Banaanbax Rabshado wata oo ka dhacay inta u dhaxeeysa Lafoole iyo Carbiska

Banaanbaxan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Inta u dhaxeysa Lafoole iyo Carbiska ee Gobalka Shabellaha hoose, waxayna dadka ka cabanayeen dil ay sheegeen inay gaysteen ciidamo ka tirsan dowladda.

Dadka Banaanbaxa dhigayay, ayaa sheegay inay u banaanbaxeen, kadib markii nin si weyn deegaanka Carbiska looga garanaayay gurigiisa lagala baxay, kadibna la soo dilay, arintaasi oo ay gaysteen ciidamo dowladda ka tirsan.

Illaa hadda ma cadda cida dilkaasi gaysatay, meesha rasmi ahaan ay ka tirsan yihiin, inkastoo dadka ay dhigeen Banaanbaxaasi cabashada ah oo maanta hakad ka galiyay dadka iyo gaadiidka.