Akhriso:-Mowqifka Soomaaliya ee Khilaafka Diblomaasiyadeed ee Dalal Carab ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya markii ugu horeeysay ka hadashay xiisada ka dhax aloolsan wadamada gacanka carbeed kadib markii wadamo badan oo carab ah ay xiriirka u jareen wadanka Qatar.

Waxa ay sheegtay in ay aad kaga xuntahay xiisadaas ka dhex taagan wadamadaaasi oo ay iskugula jiraan ururka Jaamacada Carabta, waxa ayna ku baaqday in wada hadal lagu dhameeyo qilaafkaasi.

Waxaa waayahaan aad looga dhur sugaayey jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo yeeri doonto, iyadoo aad loo hadal haayey in ay Soomaaliya ku jirto xaalad ah labo daran mid dooro, maadaama labadaasi dalba ay kala dhaxeeyaan cilaaqaad wanaagsan.