Saraakiil Ka tirsan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in Maanta Labo Diyaaradood oo Ay leedahay Turkisha Arline Ay ka soo deg weysay Garoonka.
Sababta ayaa waxaa ay saraakiisha Garoonka ku sheeegeen inay tahay Dhanka cimilada,Maadaama Diyaarada Turkish Arline,ay Garoonka ka Soo gasho Dhanka Badda,Halka Diyaaradaha kale Ay Soo dul maraan Dhanka iyo Degmada waabari ee Magaalada Muqdisho.
Maalmo ka hor ayay Aheyd markii Shirkadda Diyaaradaha Turkisha Arline ay sedex maalmood ay ka soo degi waaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,inkastoo Arintan lagu sheegay inay Tahay cimilada Mararka qaar oo is bad-badal ku yimaada..
Ma Jirto ilaa iyo Hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Shrkada Duulimaadka Ee Turkisha Arline.