Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Tagaya Magaalada Kismaayo

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) aya saakay ku wajahan magalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalkiisa magaalada kismaayo waxaa ku wehlinaya Mas’uliiyiinta ka Tirsan dowladda Soomaliya sida Xildhibaano iyo wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Booqashadan oo ah tii u horeysay ee uu Magaalada Kismaayo ku tagayo, ayaa sidoo kale ay tahay safarkii 3aad uu ku tagayo xarumaha dowlad goboleedyada hoos-yimaada dowladda Federaalka.

Magaalada Kismaayo waxaa shalay gaaray Wafdi horu dhac ahaa oo ay ku jireen Ilaalada qaaska ah ee Madaxweynaha.

Wadooyinka Magalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dhajiyay sawiradda madaxweyne Farmaajo, waxa sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka jubba-land.