Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa gaaray garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Safarkaan madaxweynaha oo ah midkii ugu horeeyey intuu xafiiska joogo uu ku tago Magaalada Kismaayo, iyadoo guud ahaan amaanka magaaladaasi aad loo adkeeyey.

Waxa uuna safarkaan noqonayaa safarkii sedexaad ee uu ku tago maamul gobaleedyada dalka ka jira, kadib markii horaan uu tagay Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo Magaalada Cadaado oo ah Xarunta ku meel gaarka ah maamulka Galmudug isagoo kaga qeyb galay caleemasaarka madaxweynaha cusub ee maamulkaasi mudane Xaaf.

Wararka qaar ayaana sheegaya in ahmiyada booqashada madaxweynaha uu ku tagay kismaayo ay tahay wanaajinta xiriirka maamulkaasi iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horay ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in booqashada uu ku tago dalalka caalamka badalkeeda uu booqdo maamul gobaleedyada dalka ka jira oo uusan qarkood weli cagta saarin sidii xafiiska loogu dhaariyey.