Hir-shabeelle Xog dheeriya oo laga Helaayo ‘Qarax Lala Eegtay Wasiiro

Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulkaas ayaa ka hadlay qarax maanta lala eegtay Mas’uuliyiin ka Tirsan wasaarada arrimaha gudaha dowlada Federalka Soomaliya iyo wafdi ka kooban Wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka kuwaasi oo marayay duleedka Degmada Balcad.

Wasiir  Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in qaraxa la doonayay in lagu laayo Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyadda dalka ka jira, islamarkaana  ujeedka qaraxaas laga lahaa uu fashilmay.

“Shir ay yeelanayaan wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad goboleedyada Hirshabelle ayaa beri ka furmi doona magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedyada loomana hakin doono falalka ay Al-shabaab maleegayaan, hal askari ayaa ku dhintay qaraxa, oo waliba sooman.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in  Howlgalo ay sameeyeen ciidamada ammaanka degmada Balcad lagu soo qabtay qof loogaga shakisan yahay inuu ka dambeeyay miinada lagu qarxiyay kolonyada ay la socdeen wafdi saaka ka tegey magaalada Muqdisho.