DEG DEG: Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Sanca ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay halkaas ku dileen Nin Timo Jare ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Xaafadaas.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ninka Timo Jaraha ahaa ay goobtii ku weerareen islamarkaana ay baananka usoo bixiyeen kadibna ay dileen sida goob-joogayaal ay u sheegeen  Warbaahinta.

Dableeydii Dilka u geysatay Alle ha u Naxaristee Marxuunka ayaa ka baxsaday Goobta ay wax ku dileen,waxaana la sheegay in Goobta wax lagu dilay Meel u dhow ay joogeen Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho,balse Dadkii Dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.