Aqriso Wareegto: C/fitaax Shaaweeye oo loo Magacaabay Xil Culus

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxaa lagu Magacaabay Kuxigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,waxaana loo Magacaabay C/fitaax Ibraahim Cumar Shaaweeye oo uu dhashay  Beesha Murusade.

C/fitaax Shaaweeye ayaa Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladdihii dalka soo Maray,iyadoo Xilligii ugu dambeysay uu ahaa Taliye Kuxigeenkii Ciidanka NISA Ee Gobolka Banaadir.