Akhriso Qabiilkiisa:-Gudoomiye Hore oo Loo Magacaabay Xil Muhiim

Sida ay Sheegayaan wararka Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa Gudoomiyihii Hore ee Degmada Holwadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) u magacaabay Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Nabadda Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA).

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Holwadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar)  oo u dhashay Beesha Murusade ayaa shaqada ka badali doona C/raxmaan Xirow  oo ahaa taliyaha Howlgalinta Ciidamada Nabadda Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA), islamarkaana xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka uu ka hayay dowladda.

Xirow oo ka soo jeeday Beesha Habargidir ayaa sida aan ilo wareedyo muhiim ah ku heleyno ka biyo diiday in u weeraro’ hubkana ka qaado shaqsiyaad isugu jiro siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeedo Beellaha Hawiye.

Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ayaa lasoo Shaqeeyay Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose isagoona kasoo qeyb qaatay howlgalo lagu fuliyay gobolkaas oo lagula dagaalamyay Xarakada Al-shabaab.