War Deg Deg Ah:Gaas oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa wasiirradda

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goordhaweyd isku shaandhaweyn ku sameeyay Golihiisa wasiiradda Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa magacaabay Wasiiro, wasiiro kuxigeeno  iyo Wasiiru dowlayaal.

Madaxweynaha ayaa saxiixay xeerkan, oo Numberkiisu yahay Lr 55.

  1. Cabdiraxmaan Barkhad Warsame- Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka & Isgaarsiinta

  2. Cabdikhadar Faarax Shaaciye- Wasiirka Wasaaradda Dibu dhiska & Horumarinta

  3. Maxamuud Faarax Beeldaaje- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

  4. Yaasiin Cabdi Seed – Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare

  5. Cabdirashiid Cali Geelle – Wasiiru dowlaha Amniga

  6. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir kuxigeenka Maaliyadda

  7. Cabdifitaax Xasan Xuseen (Waloore) – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka

  8. Aamina Maxamed Cabdullaahi – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada

  9. Cabdiweli Maxamed Yuusuf – Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud, Guryeynta & Gaadiidka