Faah-faahin:-Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Barqanimadii maanta ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land gaar ahaan Saldhiga Dhexe ee Magaaladaas ka dhacay  qarax xoogan oo la sheegay in lagu aasay gudaha Saldhiga.

Dhawaqa qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay gudaha Magaalada,waxaa la xaqiijiyay in xiliga uu qaraxa ka dhacayay saldhiga ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladd Goboleedka Jubba-land iyo kuwa Baambeyda islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray Ciidamadaas gudaha saldhiga ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay 5-askari ayaa ku dhimatay 22-kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Kismaayo sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Jubba-land.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka