Dowladda Soomaliya Xiriirka Ma u Jari Doontaa Dowladda Qatar?,

Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa  gabi ahaanba xiriirkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Dowladda Federaalka Soomaliya xiriirka ma u jari doontaa dowladda Qatar, madaama ay horey xiriirka ugu jartay dowladda iiraan uu qilaaf kala dhaxeeyay dowladaha carbeed.

Go’aankii Xiriirka Soomaliya ugu Jartay iiraan.

Sanadkii 2016-kii Dawladaha Soomaaliya  ayaa ku biiray wadamada Islaamka ee xiriirka u jaray Dawladda Iiraan, lana saftay Sucuudiga iyo xulafadiisa khilaafka diblomaasiyaddeed ee Tehran isu bahaystay.

Kulan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xiligaas ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, ayaa waxa laga soo saaray qaraar ay dawladda Soomaliya ku amartay inay Safiirka Iiraan u fadhiya Muqdisho iyo Diblomaasiyiinta la shaqaysaa muddo 72 saacadood ah kaga baxaan Dalka Soomaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa go’aankan u cuskatay, kaddib markii sida lagu sheegay Warsaxaafaddeed ka soo baxay kulanka wasiirrada, dawladdu ogaatay inay dowladda  Iiraan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah nabad-gelyada ka waddo soomaaliya, islamarkaana dowladda Sacuudiga ay ku saxan tahay go’anka ay xiriirk ugu jartay Dowladda Iiraan.

Soomaliya iyo Qatar

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, aya waxaa ka dhaxeeya xiriir  wanaagsan waxayna dhawaan ku heshiiyeen  in Soomaaliya laga teegeero sidii loo furi lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo horu wadidda xiriirka labada dal.

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxaa garay bishii aynu soo dhaafnay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  madaxweynaha ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Qatar iyo madaxda kale ee waddankaas, waxa ay wada gaareen heshiisyo dhowr ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay in  labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii loo taageeri lahaa aragtida ay waddo dowladda cusub ee madaxweynaha Farmaajo uu ku hoggaaminayo in dowladda Qatar ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta Qaran ee ay dhowaan bilaabi doonto dowladda.