Somali-land oo Shaacisay Hal Arin oo Aqoonsiga Loogu Diidan Yahay

Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka  caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska The Gurdian  ayaa aqoonsi la’aanta haysata Somaliland ku tilmaamay mushkilad cagaha ka xirtay horumar badan oo jiri lahaa.

Wasiirka ay ku dhaliilay beesha caalamka  inay dayaceen Somaliland oo ay ku ciqaabayaan guulaha ay gaareen, halka ay Somaliyana ku garab taaganyihiin guuldaro ay samaysatay,

“Aqoonsi la’aantu waxay daliil u tahay caqabado badan. Ma helno caawimo toos ah, caawimooyinka oo dhami waxay soo maraan gacmo saddexaad oo ah Qaramada Midoobay, Qaramada Midoobay waxay leedahay dad khubaro ah, laakiin ururada uu janalkani soo maraa aad bay u badanyihiin, waxaana jira kharash maamul oo aad u badan Haddii lana aqoonsan lahaa, waxaanu caawimada u heli lahayn si toos ah, soona jiidan lahayn maalgashadayaal.” ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

“Uma malaynayo inay dunidu si wanaagsan u qaadatay digniinaha aanu abaaraha ka soo saaraynay horaantii sannadkan. Waxay u muuqataa in beesha caalamku aanay ka soo jawaabin baaqayada ilaa Telefishanada laga arkay carruur dhimanaysa.”ayuu mar kale yiri Wasiir Sacad Cali Shire.