FIIRSO: 6 qof oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Magalada London

Weerarka ka dhacay bartamaha  magaalada London ee dalka Britian ayaa sababy dhimashada lix qufood halka 30 kale ay ku dhaawacmeen, sida police-ka London ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Weerarka ayaa ahaa mid loo adeegsaday tooreey iyo gaari la jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa goob laga dukaameysto, waxaana police-ka dalkaasi ay sheegeen in weerarka  ay ku dhinteen saddex nin oo la tuhun sanyahay in weerarkaasi ay fuliyeen.

Ciidamo Police ah oo hubeysan kuwaa oo goobta gaaray ayaa sheegay in weerearka ay soo afjareen iyadoo dhibanayaasha weerarkaasi ku dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaad ee magaalada London.

Ra’isul wasaaraha Britian Theresa May ayaa cambaareysay weerarkaasi iyadoo ku tilmaamtay mid argagixso.

LONDON BRIDGE TERROR ATTACK. SATURDAY 3RD JUNE 2017 – MAGICMOMENTSUK – 07753 30 30 77