Eng Yariisow oo beeniyay in dhammaan dilalka Xamar ka dhaca ay Shabaab ka dambeeyaan

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in dilalka ka dhaca Xamar aanay dhammaantood ahayn kuwa ay kooxda Shabaab fuliso, laakiin magaceeda uun lagu dhuunto.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay wareysi lala yeeshay isaga oo ku sugan Nairobi, waxaana uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo xasilin lahaa caasimadda.

Eng. Yariisow ayaa tilmaamay in jiraan dhinacyo aan Shabaab ahayn oo magaalada ka geysta dilal iyo falal kale oo amniga halis ku ah, kuwaas oo ku dhuunta magaca Shabaab.

Wasiirka warfaafinta ayaa difaacay qorshaha xasilinta iyo hub-ka-dhigista ee maalmahan ka socday Muqdisho. Isaga oo fogeeyay eedeymo ay soo jeedinayeen siyaasiyiin iyo dhinacyo kale oo hub-ka-dhigista ku sheegay mid lagu beegsanayo beela gaar ah.