Diyaarad aan la aqoon oo farriin yaab leh geysay deegaannada Shabaab

Sida laga soo xigtay ilo-wareed ku sugan magaalada degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe, waxaa halkaas lagu arkay warqado ay ku qoran yihiin hadallo maliishiyaadka Shabaab loogu sheegayo in ay isku dhiibaan dowladda.

Diyaarad aan la aqoon ayaa warqadahan ku daadisay deegaankaas oo ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Shabaab.

Warqadahan ayaa waxaa maliishiyaadka Shabaab loogu sheegayaa in ay ka faa’ideystaan cafis uu u fidiyay madaxweynaha dalka, si ay dowladda isugu soo dhiibaan.

Dadka deegaanka ayaa hadal-haaya warqadahan Shabaabka ku socda ee halkaas lagu daadiyay.

Wixii warar ah ee arrimahaan ku soo kordha dib ayaa aad kala socon doontaan, inshaa allaah.