Akhriso:-Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay Maxkamadaha Ciidamada Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxmed Cali (Gaas) ayaa isku shaandhayn ku sameeyay maxkamadaha ciidamada qalabka sida Puntland, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee shanta Gobol, Kornayl Cabdi fatax Xaaji Aadan.

Isku shaandheynta Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay in ay soo baxday maalintii shalay aheyd oo sabti islamarkaana maanta lagu dhawaaqay ayaa qeexaysay in qaar kamid ah maxkamadihii darajada koowaad joogay loo raray ama loo dalacsiiyay maxkamada sare Waxaa kaloo kamid ah isku shaandhaynta in la isku badelay maxkamadihii gobolada.

Tusaale ahaan, Maxkamadii ciidamada ee gobolka Mudug waxaa loo wareejiyay gobolkaNugaal, Maxkamadii ciidamadii gobolka Nugaalna waxaa loo wareejiyay gobolka Bari halka maxkamadii ciidamada ee gobolka Barina loo wareejiyay gobolka Mudug.

Guddoomiye Cabdifitaax Xaaji Aadan oo ahaa guddoomiyihii maxkamada ciidamada eegobolada Bari, Karkaar, Gardafu, Sanaag iyo Haylaan ayaa laga dhigay garsoore katirsan maxkamada sare, waxaana booskii lagu badelay sargaal kale oo madaxweynuhu magacaabay.