Xog Laga Helaayo ‘Madaxda IGAD oo yeelanaya kulan deg deg ah

Madaxda Urur goboleedka ayaa kulan deg deg ah ku yeelanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya 12-ka Bishaan sida uu shaaciyay Madaxa Urur Goboleedka  IGAD  Hailemariam Desalegn ahna Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay Madaxda Urur goboleedka IGAD in ay kusoo xaadiraan Magaalada Addis Ababa si looga hadlo xaalada cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay xaalada bani’aadanimo ee xilligaan ka jira Suudaanta Koofureed  in ay tahay mid daran oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shirkaasi oo diirada lagu saarayo Xaaladda Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale Shirkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dalalka Ku jira Urur goboleedka IGAD.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa dhowr jeer ka shiray Xaaladda Cakiran ee Suudaanta Koonfureed.