Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Abba Gedo ee degmada Dharkeenley ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka degaanka Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Qarax Miino , waxaana lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Sarkaalkii Qaraxaasi lala eegtay uu ka badbaaday, islamarkaana Askari la socday uu dhaawac kasoo gaaray.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinaayo.