Masuuliyiintii ugu badnaa Villa-Somalia oo hal mar xilka laga wada qaaday

Wararka aan ka heleeyno XaruntaMadaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Xarunta goordhow uu ka dhacay isbedel weyn islamarkaana xilalkii laga qaaday masuuliyiin xilka hayay Xarunt Madaxtooyada.

Waxaa xilalkii laga qaaday Madaxii Habmaamuska Protocol-ka Madaxtooyada oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo 16-kii bishan xilkan loo magacaabay.

Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay sheegyaan in Sagaal Xubnood oo kamid ahaa Dhalinyaro u tababaran dhanka Habmaamuska Protocol-ka iyana meesha laga saaray loona bedelay dhankaa iyo Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Arintaan aya imaaneysa kadib magacaabistii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin walow isagu uu dalka ka maqan yahay islamarkaana uu lahaa amarka xilalka looga qaaday ragaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socotay xilka qaadista xukuumada Madaxweyne Maxamed cabdullaahi(Farmaajo) waxana xusid mudan in mudo Sadax Bilood Gudahood ah Madaxtooyada Soomaaliya ay yeelatay Sadax Agaasime.

Shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa la yaabsan Fudeedka Madaxweyne Farmaajo oo shaqadiisa ku soo koobaan qof qof ku badal.