Beyle ‘Muqdisho, Kismaayo Waa in Si Isku Mid ah Loo Canshuuraa”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 10-ka bishaan Magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir loogu hadlaayo mideynta cashuurta laga qaado Shacabka.

“10-ka bishaan dhammaan wasiirrada Maaliyadda dowlad gobolleedyada oo aan aniga guddoomin doono shir looga hadlayo mideynta cabshuuraha ayaan ku leenahay Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Muqdisho iyo kuwa kaleba in si isku mid ah loo canshuuro alaabaha nooc walba ee ka soo dega, sare ayuu u kici doonaa dhaqaalaha dalkeenna, ayuu yiri wasiir Dr C/raxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa sheegay in hadii arinkaas lagu guuleysto laga maarmi doono dhaqaalaha laga helo beesha caalamka.