AMISOM oo War Kasoo Saartay Weerar ka dhacay Saldhiga Kulbiyow

Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa war kasoo soo saaray weerarkii dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee Gobolka jubada Hoose.

War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in 6-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada l-shabaab ay Saldhiga Ciidamada Kenya ay kusoo rideen 1- RPG, qoryaha AK47 iyo qoriga loo yaqaano PKM islamarkaana ay ku yimadeen dagaalyahanadaan wada Badade weerarna ay isku diyaarinayeen.

“AMISOM waxa ay xaqiijinaysaa in waxba kama jiraan ay yihiin wararka warfaafinta ay baahisay ee ku aadan in Xarakada  Al-shabaab ay la wareegeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Kulbiyow, dagaalyahano yar ayaa weerarkaas halkaas kusoo qaaday waana la jabiyay”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.