Shil Gaari oo Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Puntland

Wararka ka imaanaya inta u dhexeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo oo ka wada tirsan Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya inuu ka dhacay Shil Gaari oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay.

Shilka Gaari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen illaa Labo Ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen  Siddeed kale oo Dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Shilka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen Labo Gaari oo ah kuwa Raaxada.

Inta badan Degaanada Maamulka Puntland waxaa ka dhaca Shilalka Nuucaan oo kale ah islamarkaana geysta Dhimasho iyo Dhaawac intaba.