Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo Muqdisho Howgal lagu soo qabtay

Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Warbaahinta usheegay in ay soo qabtayn Sarkaal la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab waxaana lagu qabtay Baaritaan ay Ciidamada Gaarka ah ay ka sameeyeen Degmooyinka Dharkeynlay iyo Wadajir .

Howl galkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayay ciidamada guryaha qaar ku baarayeen, waxaana u suura galay inay qabtaan sarkaal aan magaciisa la sheegin oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ammaanka ayaa laga soo xigtay in howl galadii u dambeeyay ee laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo qabtay dad ka dambeeyay falal amni daro oo magaalada ka dhacayay habeenadii la soo dhaafay.