Gudoomiye Koofi” Beesha Galmaax Yoonis hadii ay taageereen gudoonka Gobolka iyo Duqa Muqdisho Banaadir State waa ay hirgashay”

Gudoomiyaha golaha Dhaqanka Taraawiil Mudana C/risaaq Xasan Koofi ayaa  taageeray Go’aanka beesha Galmaax yoonis ee lagu taageeray in Gudoonka gobolka banaadir loo madax baneeyo dhisidda Maamul goboleed uu yeesho gobolka Banaadir.

Gudoomiye Koofi  ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in  gogosha Maamul u dhisida Banaadir aan loo rarin meel ka baxsan Caasimadda Muqdisho.

Koofi waxaa intaa ku daray in gobolka Banaadir uu yahay Gogoshii Umadda Soomaaliyeed saas daraadeedna aysan awalba macquul la aheyn in Banaadir dhisideeda ay marti u noqoto gobol kale ama deegaan kale.

Koofi waxaa uu u sheegay Beesha Galmaax Yoonis ay tahay beel lagu yaqaano walaalnimo dad isu keenid ixtiraam iyo gobanimo lagana filaayo in Maamul u dhisidda Banaadir ay gacan weyn ku siiyaan Gudoonka Gobolka iyo duqa Magaalada Muqdsiho.

Beesha Galmaax Yoonis hadii aad taageerteen gudoonka Gobolka iyo Duqa Muqdisho Banaadir State waa ay hirgashay.