WAR DEG DEG AH: Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Puntland oo Goordhaweyd La Dilay

Kooxo Hubeysan ayaa xiligii Salaada Maqrib waxa ay ku dileen Xaafadda Faluuja ee Woqooyiga  Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cariish.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in Ragga dilka Geystay ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka islamarkaana dadkii goobta ku sugnaa ay ku kala eryeen Bambo Gacmeed kadibna ay  goobta ka baxsadeen.

Ciidamda amaanka Maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaa caawa Xaafadda Faluuja ee Woqooyiga  Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka socda howlgal lagu baadi-goobayo Ragii ka dambeeyay.