WAR DEG DEG AH: Afar ka mida Shabaab oo Goordhow la Toogtay

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Maanta degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ku Dilay sida ay sheegeen Afar Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka mida Ciidamada Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in Afar Dagaalame oo Shabaab ah ay ku dileen Cabdalla Biroole islamarkaana ay Shabaab kala Wareegeen Degaankaas.

Degaanka Cabdalla Biroole ayaa Dhowr Jeer waxaa isku badbadalay Gacmaha Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab.