Laamaha Amniga oo ku Faanay in aay Fashiliyeen Qorshayaal ay Damacsanaayeen Al-shabaab

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Mudane C/laahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in Laamaha amniga dalka ay fashileen qorshayaal ay damacsanaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo la doonayay in laga fuliyo Magaalada muqdisho.

C/laahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan howlgalo qorshaysan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo lagaga hortagaayo falalka amniga lidiga ku ah.

“Ciidamada amnigu dalka gaar ahaan Ciidamada Xaslinta caasimadda waxa ay  ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, howlgalo qorshaysan waxaa la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo lagaga hortagaayo falalka amniga lidiga ku ah”, ayuu yiri Taliye C/laahi Sanbaloolshe.

Faanka Taliyahu ku faanay in la fashilayay qorshayaal siduu sheegay Kooxda Al shabaab ka damacsanaayeen Magaalada Muqdisho ayaa imaanayo xili amniga Magaalada Maalmahii ugu danbeeyay u muuqday mid faraha ka sii baxaayay