Howlgallo Ka Socda Degmooyin Kamid Ah Gobolka Banaadir

Ciidamada amaanka iyo kuwa Booliska oo is garabsanaayo ayaa waxa ay howlgalo ka wadaan Degmooyinka Wadajir, Waaberi, Hodan iyo Howl –Wadaag, ee Gobolka Banaadir.

Degmooyinkani ayaa waxa  xalay badi ka dhacay dilal qorsheesan iyo falal lidi ku ah amaanka, iyadoo shalay gelinkii dambe Degmada Wada-jir Koox hubeesan ay risaas ku fureen sarkaal  lagu magacabo Cabdullaahi Cilmi Nuur  oo qabilsanaa dhanka caafimaadka Booliska.

Xalayna Degmada Waaberi waxaa ka dhacay dil loo geestay Nabadoon kamid ahaa wax garadka degmada waaberi  iayadoo kooxda dilka geesatay ay halkaasi iskaga baxsadeen.

sidaas si lamid ah Suuqa Bakaaraha ayaa shalay gelinkii dambe waxaa dil loogu geestey wiil dhalinyaro ah oo suuqaasi ku lahaa mehrad.

Halka Isgoyska Banaadir uu ka dhacay Qarax, qaraxaasi oo loo waday sarkaal ka tirsan ciidamada Asluubta ayaa waxaa loogu soo xiray Gaariga uu watay waxaana ku dhaawacmay sarkaalkaasi xaaskiisa oo xiligaasi gaariga saarnaa.

Howlgaladaan ayaa waxa ay ciidamada amaanka iyo Booliska ku doonayaan in ay kusoo qabtaan raga siyaabaha kala duwan falalkaasi kaga kala geestay degmooyinkaasi.

Howgaladaan lagu sheeegay in amniga lagu xaqeejinayo ayaa sidoo kale waxaa bar bar socdo Howlgal hubka loogu dhigaayo siyaasiyiinta Muqdisho.