Guddoomiyeyaasha Mahadaay iyo Cadale oo xilalkii laga qaaday Qaar Cusubna Lagu Badalay

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Mahadaay iyo Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa laga qaaday xilalkii, kadib Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Guddoomiyihii hore ee degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa lagu bedelay Guddoomiye C/laahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) halka Guddoomiyihii hore ee degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalin lagu bedelay Muuse Maxamed Axmed (Kali).

Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa xilalka looga qaaday dhamaam maamulkii degmada Cadale waxaana loo magacaabay;-

Xuseen Muxidiin Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga iyo Siyaasada, Cali Cabdulle Caddow Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Muqtaar Maxamuud Axmed, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyadoo sidoo kale Xoghayaha Dowladda Hoose loo magacaabay Cabdi Xasan Maxamuud.