Gaari ah kuwa Qafilan ee ay leeyihiin Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa ku Gubtay Isgoyska KM-4 Ee Magaalada Muqdisho,waxaana Damiyay dabkii ka kacay Gaariga AMISOM Gaadiidka Dab-damiska Maamulka Gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Waliyow Cadde G/sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegay in Gaariga ay ka dhax-dhalatay Maaso islamarkaana sidaa uu Dabku uga kacay.