FIIRSO: Degmo si weyn looga Baqi Jiray Muqdisho oo laga Bilaabay Olole Nadaafadeed

Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir oo ka mid ah degmooyinka sida weyn loogu baqo ayaa hada waxaa ka biloowday Olole Nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo bilicdii ay degmadaasi lahayd.

Degmada Heliwaa oo Xaafadaheeda qaar ka mid ah si weyn’ uu ugu baxo geedka loo yaqaano geed yahuudka ayaa Maamulka Degmadaasi waxaa’ aay bilaabeen in aay jaraan geedkaasi ayadoo ololaha Nadaafadeed laga bilaabay xaafadda Ex-koontarool Balcad ee degamada Heliwaa.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ugu howlanyihiin.