Dowladda Soomaliya oo Digniin Culus u Dirtay Gaadiidka Badda

Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay gaadiidka badda oo ay ku wargelisay in la gaaray xiligii bad xiranka.

Agaasimaha guud ee wasaarada Dekada iyo Gaadidka Badda ee Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur) ayaa sheegay  in xiligan aysan badda isticmaali karin maraakiibta iyo doonyaha yar yar madaama ay jiraan dabeylo iyo muujado xoogan.

Maraakiibta culayskoodu ka yaryahay 1200MT ilaa 1500MT iyo doonyaha yar yar ayaa si gaar ah loogu wargeliyay in aysan hada isticmaali karin badda, arrintana ay tahay wax sanad walba ay khasaare kala kulmaan ganacsato iyo gaadiidleyda.