DEG DEG: Dil Goordhow ka dhacay Suuqa Weyn Bakaaraha Magaalada Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa Goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho gaar ahaan qeybta dharka waxa a ku dileen nin odey ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Gudaha Suuqa.

Ninka odeyga ahaa ee la dilay ayaa lagu magacabi jirey Muqtaar Dhagool wuxuuna kamid ahaa ganacsatada Suuqa Bakaraaha ee Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa Warbaahinta  waxa ay u sheegeen in rag hubeysan oo dhalinyaro ahaa ay dhowr xabadood ku dhufteen Muqtaar dhagool oo kamid ahaa ganacsatada Suuqa Bakaraaha ee Magaalada Muqdisho,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen falka dilka kadib.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, mana jirto cid loo qabtay dilka, sidoo kale inooma suurta galin in aan ogaano in shaqsiga la dilay uu kamid ergooyinka oo u gaarsi ay ku hayeen Al-shabaab.