DEG DEG: Ahlusunna oo Xirtay Xildhibaan ka tirsan Maamulkooda

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulkaas ay Xabsiga dhigeen Xildhibaan ka tirsan Maamulka la Magacbaxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

Xildhibaan  Cibaado Yuusuf Maxamed oo ka mida Golaha Wakiilada Maamulka Isku Magacaabay Gobolada Dhexe ayaa naloo Xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka Ahlusunna ay Xabsiga dhigeen,waxaana la sheegay in Sababta loo xiray ay tahay Khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlusunna oo diiday in Magacooda la Adeegsado.

Xildhibaan  Cibaado Yuusuf Maxamed ayaa ah Xaaskii uu ka dhintay Guddoomiyihii Guud Ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeyfoow.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Sare Sare ee Ciidamada Ahlusunna oo ku aadan Xariga Xildhibaan  Cibaado Yuusuf Maxamed oo ka mida Baarlamaanka Maamulkooda.