Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda weeraro ka dhacay Muqdisho

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weeraro xalay xiyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarada ay sheegteen Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ahaa Qarax Miino oo gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Mahad Cabdi Cabdulle kaas oo la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray Qaraxaasi.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay dil Xaafadda Siliga ee degmada Wadajir loogu geystay Sarkaal dhinaca Caafimaadka u qaabilsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed kaas oo isna Magaciisa lagu soo koobay Cabdullaahi Radio.

Al Shabaab ayaa sii kordhiyay falalka dilalka ah oo ay ku Bartilmaamsadaan Saraakiisha iyo shaqaalaha kale ee Rayidka oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.